Home Wararka Maanta Soomaaliya Eriteriyaiyo Masar oo Dhisanaaya Isbahaysi ka Dhan ah Itoobiya

Soomaaliya Eriteriyaiyo Masar oo Dhisanaaya Isbahaysi ka Dhan ah Itoobiya

0

Madaxweynayaasha waddamada Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa wada-hadallo cusub oo xasaasi ah ay maanta uga bilaabanayaan gudaha magaalada Asmar, halkaas oo uu shalay gaaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale isna maanta kusii jeeda Asmara, si uu uga qayb-galo wada-hadallada ka dhacaya Asmara, waxaana safarkan xaqiijiyey afhayeenka Al-Siisi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in saddexda hoggaamiye ay ka arrinsan doonaan xaaladaha kasoo kordhay gobolka, oo ay ugu horreyso dhaq-dhaqaaqa ay waddo dowladda Itoobiya, iyaga oo iska xog wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyay.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdifitaax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya.

Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, iayada oo suurtagal ay tahay in iskaashigooda ay ku wajahayaan dowladda federaalka Itoobiya.

Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya.

Dhanka kale, xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa kulamadan u aragta ifafaalo aan u wanaagsaneyn Itoobiya.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama dhaq-dhaqaaqyadan ay kusoo aadeen xilli gobolka uu wajahayo xiisad ka dhalatay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka caroortay Soomaaliya oo iyadana heshiis difaac la gashay Masar, kaas oo waji cusub u yeelay xiisadda, maadaama ay Itoobiya isku hayaan arrinta wabiga Nile.

Ad
Previous articleErdogan ayaa ku tilmaamay Israel urur Sahyuuniyad oo argagixiso ah
Next articleCiidamada SSC Khaatuma oo Dagaal Adag Kala Hortagay Ciidamada Soomaaliland oo Qorshaynyay inay qabsadaan Magaaladaan