Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo xayiraad kusoo rogtay Boorama ee Dhawaan lagu soo Dhaweeyey Xildhibaan...

Soomaaliland oo xayiraad kusoo rogtay Boorama ee Dhawaan lagu soo Dhaweeyey Xildhibaan Abiib

0

SOMALILAND: oo xayiraad kusoo rogtay Boorama.

Madaxtooyada Somaliland ayaa go’aamisay in la joojiyo kulanweyne ay Hay’adda UNDP mudo qorsheynaysay in uu ka dhaco magaalada Boorama ee gobalka Awdal, horey Somaliland ayaa u bixisay ogolaanshaha shirkan lagu qaban lahaa magaaladaas, oo ay ka qeybgalayeen dhammaan howlwadeenada UNDP ee Soomaaliya ka howlgala.

Shirka ayaa la amray in loo wareejiyo magaalooyinka Burco ama Hargeysa, iyadoo madaxtooyadu labo goor ku adkeystay todobaadkan gudihiisa, in aan shirkaas lagu qaban karin Boorama oo ay tahay go’aan dawladeed, sababtana laga dhigay in amniga magaaladaas aysan daamanad-qaadi karin, sidaas oo kalena ay ka jiraan arrimo siyaasadeed, sida ay sheegtay Somaliland.

Madashan, waxaa ku bixi lahaa Boqolaal kun oo dollar, taas oo ay ka faa’iideysan lahaayeen bulshada magaaladaas, waxaana ka qeybgali lahaa madaxda ugu sareysa UNDP ee Geeska Afrika iyo dhammaan madaxda sare ee Soomaaliya ka howlgala meel kasta oo ay joogaan.

Ad
Previous articleNetanyahu oo Khudbad lala Yaabay Ka Jeediyay Congress-ka Mareykanka Muxuu yiri?
Next articleSoomaaliland oo Heshay Aqoonsi Wadan kale Yaa aqoonsaday?