Mucaaradka Somaliland ayaa soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ugu magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.
Guddoomiye Waraabe ayaa waxa uu sheegay in Ergayga uu madaxweyne Xasan Sheekh usoo magacaabay Somaliland uu wax badan ka soo shaqeeyay gudaha Somaliland, gaar ahaan arrimaha bini’aadannimada.
Sidoo kale waxa xusay in Cabdikariin Guuleed uu kaalin ku lahaa wada-hadalladii dhex-maray Soomaaliya iyo Somaliland oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Jannaayo 19, 2014-kii.
“Wax badan oo heshiis ku aheyn wada-hadalladii ay nala galeen dowladdii Xasan Sheekh oo markii uu yimid Farmaajo la baabi’iyay ayaa dooneyna in aan ka wada-hadalno. Waa in wixii aan ku heshiinay iyo waxa wada qabsan karnaba marka hore ka wada-hadalno.”
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.
Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.