Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Shaacisay Inay Qabatay Masuliyiin Katirsan Dowlada Soomaaliya

Soomaaliland oo Shaacisay Inay Qabatay Masuliyiin Katirsan Dowlada Soomaaliya

0

Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay qabatay xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Xubnahan oo laba ah ayuu sheegay sirdoonka Somaliland in falal qorshaysan loogu talo-galay inay ka fuliyaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaasi oo Muqdisho laga soo direy.

Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa waxaa lagu yiri “NIA waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo howl-gallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorama.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalkan oo lasoo dhigay barta X (ex-Twitter), “Laba ka mid ah xubnahaas waa la xiray, halka lix kalena lagu dabo jiro.”

Sirdoonka Somaliland ayaa ku daba jira xubno kale oo ka tirsan hay’adda NISA oo howl-gallo loogu soo direy Somaliland, kuwaas oo qeyb ah ka ah xubnaha la qabtay, sida ay sheegtay NIA.

Sirdoonka Somaliland ayaa sidoo kale farriin u direy bulshada reer Somaliland, “ciidanka sirdoonka Somaliland waxay ku baaqayaan haddii falal iyo ashqaas laga shakiyo in lagu soo wargeliyo.”

Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay soo xirtay kooxo iyo dad lagu eedeeyay inay qorshaynayeen falal lidi ku ah amniga ay ku naalooto Somaliland, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen ajaanib.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDibad-baxayaal careysan oo u daatay saldhigyo milatari oo Israa’iil leedahay
Next articleP.M Xamse Cabdi Barre oo Tuutaha Dagaalka Xoran oo Gaaray…..(Sawiro)