Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo Ka Hadashay Amarkii Dowlada Siomaaliya Kusoo Rogtay Xawaaladaha

Soomaaliland oo Ka Hadashay Amarkii Dowlada Siomaaliya Kusoo Rogtay Xawaaladaha

0

Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay tallaabaddii ay shalay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku fartay shirkadaha iyo xawaaladaha ka shaqeeya Somaliland in ay adeegooda ku bixiyaan magaca Soomaaliya.

Amarka dowladda federaalka Soomaaliya oo si gaar ah ugu socday shirkadaha Dahabshiil, Jubba Express iyo adeega Paysii iyo weliba shirkadaha kale ee lamidka ah ayaa waxay adeegooda ku bixiya magaca Somaliland, iyagoo muujinaya inay u aqoonsan yihiin dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya, taasi oo ka careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xawaaladaha iyo shirkadaha ay wargelintaani ku socoto waxaa la farayaa inay joojiyaan xadgudubka lidiga ku ah gobanimada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka saaraan mareegaha iyo hababka kale oo ay isticmaalaan magaca Somaliland, kuna koobaan kaliya magaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xukuumaddq Somaliland oo iyaduna si adag uga jawaabtay amarkan ayaa sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto shirkaddii u hoggaansanta warqadda kasoo baxday dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay dambi ka gashay Somaland iyo shacabkeeda, sidaas darteedna ciddii u hoggaansanta ay kula xisaabtami doonaan.

“Warqadda lagu qoray Villa Soomaaliya ama meesha yar ee 50-ka dowladood degan yihiin ee aan gaari karin Deyniile, cida waxaa tix-galisaa ee Somalilanf ah kuna dhaqanta ee amarkaas fulisa Somaliland iyo shacabkeeda ayay dambi ka galeen Somaliland-na way kula xisaabtamaysa,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Jawaabta Somaliland ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka ay shirkadahaas u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September.

“Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri amarka dowladda federaalka.

Wasaaradda Ganacsiga oo si gaar ah uga soo baxay amarkan ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.

Ad
Previous articlePuntland oo Jawaab Ka Bixisay eedii Ugu Timid Qaramada Midoobay
Next article13kun oo Macalin oo Maantay U Fariistay Imtixaan Ka dhacay…