Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay go’aan ka gaartay ardayda markii hore wax ka baran jirtay magaalada Laascaanood iyo degmooyinka hoosyimaada, kuwaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka dhowrka billood ka socda xarunta gobolka Sool.
Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo shir-guddoomiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii golaha uu cod gacan taag ku meel-mariyay go’aankan, iyaga oo ka duulaya waajibaadka muwaadiniinta ka saaran iyo muhiimadda waxbarashada, sida lagu qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland.
Golaha ayaa sidoo kale waxa uu cod gacan taag ah oo aanay cidna ka aamusin, cidna aanay diidin ku ansixiyeen xeerka gaadiidka iyo waddo-marista (Xeer Lr.56/2023) oo guddi ka koobnayd golaha wasiirrada iyo garyaqaanka guud shirkii kan ka horeeyey loo xilsaaray soo dhamaystirkiisa, wax-ka bedelka iyo kaabistiisa.
Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha amniga Somaliland ka dhegeystay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waxa kale oo goluhu warbiximo ka dhegeystay xubno ka mida golaha wasiirrada oo isugu jira guddidii nabadaynta shaqaaqadii gobolka Togdheer ee labada dhinac ee walaalaha ah ku dhexmartay oo Arbacadii la soo afjaray iyo guddidii xuska sannad guurada 32-aad ee 18-May oo golaha xogo ka siiyey guulihii ay ku soo dhamaadeen hawlihii loo xilsaaray.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan aad ugu mahad-naqayaa oo taariikhda baal dahab ah ku leh dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwa militeriga, Asluubta, badda, Booliska, socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland, kuwa amniga iyo nabadda ilaaliya, dhammaantood ciidamadaas iyo wasaaradahoodu waxay fuliyeen in cadowgii ina soo weeraray ay jebiyaan oo cashar u dhigaan, dalka oo dhanna dabbaaldeggii iyo isu soo bixii uu noqday amni uu far lasoo geli kari waayey cadowgii. Dhammaan shacbiga Somaliland miyi iyo magaalana waxan ku bogaadinayaa inuu qof waliba halkiisa ka muujiyey waddaninnimadisii oo uu isu xilqaamay.”