Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Digniin Udirtay Turkiga Sabab?

Soomaaliland oo Digniin Udirtay Turkiga Sabab?

0

Maamulka Somalilanad ayaa digniin u diray dowladda Turkiga oo qorsheynaysa inay Markab u soo diraan xeebaha Soomaaliya, kaas oo ilaalinaya sidoo kale sahmin shidaal ka samey doona badda Soomaaliya, sida ku cad heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska ay ka carootay Somaliland ayaa dabo-socday is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ay galeen bilowgii sanadkaan, kaas oo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay qorshaha Turkiga ee Soomaaliya ayaa yiri, “Dowladda iyo Shacabka Somaliland raali kama ahan dhaqdhaqaaqa Turkiga ee Soomaaliya.”

Wasiirka ayaa uga digay Turkiga in badda Somaliland ay soo galaan, “Talaabo ayaan qaadi doonaa hadii Turkigu ku soo xadgudbo badeena, hadhow ma yeeli doono Soomaaliya ayaa na qaladay.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in shuruucda caalamiga ah ay la tiigsa doonaan dowladda Turkiga, hadii aysan ka waantoobin dibindaabyada Somaliland ee dowladda federaalka ay kala shaqeyneyso, sida ay hadalka u dhigeen.

Ad
Previous articleFaransiiska iyo Jabuuti oo heshiis iskaashi militari kala saxiixday. hadaba maxuu yahay waxa ay Jabuuti faa’ideyso heshiiskan?
Next articleVilla Soomaaliya oo Ka Hadashay Ciidamada Turkiga ew Soomaaliya Imanaaya