Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Balanqaad culus usamaysay Ganacsatadii Suuqa waaheen Hargaysa

Soomaaliland oo Balanqaad culus usamaysay Ganacsatadii Suuqa waaheen Hargaysa

0

Guddoomiyaha guddiga taakuleynta iyo gurmadka suuqa Waaheen ee xukuumadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay inay soo dhamaatay nadiifintii iyo hubinta badqabka suuqii gubtay.

Wasiir Albaani ayaa sidoo kale sheegay in wixii ka dambeeya ay fasax u yihiin Ganacsatadii ay dhismayaashu kaga gubteen suuqa Waaheen inay dib u dhisan karaan dhismayaashoodii.

“Guryaha iyagu dadka gaarka u leeyihiin waxa la kulanay dadweynaha Sabtidii shalay tii ka horeysay, marka wada-hadalnay waxaanu u fasaxayna inay dhisan karaan, waxaana u sheegnay in waddooyinka dib loo dagi doonin oo guryaha naqshad loo sameeyay,” ayuu yiri Wasiir Albaani.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay Ganacsatada dhismayaasha leh ay ku wareejin doonaan hantidii loo ururiyay dib u dhiska suuqaas, isaga oo xusay in naqshad mideysan ay ka xukuumad ahaan u sameeyeen dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen.

“Waxaa u mahad-naqeyna guddigii ay iska soo xuleen ganacsatada ee sida fiican u shaqeeyay, marka dadku isku imaadan iyaga oo isu-maqan wey is-fahmayaan oo arrintooda wey dhamaaneysa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu faray ganacsatadii ay hantidoodii ku shuf beeshay suuqii Waaheen inay berri iska soo xaadirayaan guriga shaqaalaha, isaga oo ku bogaadiyay dulqaadkii ay muujiyeen intii ay socotay shaqadu.

Si kastaba, Khasaaraha ka dhashay gubashadii baaxada weyneyd ee suuqa Waaheen oo ahaa midkii ugu weyna Somaliland ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxeysay $1.5 Bilyan illaa $2 Bilyan oo lacag ah.

 

 

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleOdinga oo war cusub kasoo soo saaray dacwaddii uu u gudbiyey Maxkamadda Sare ee kenya
Next articleDuuliyaal Diyaaradeed oo dagaalamay diyaarada oo hawada ku jirta oo Talaabo adag laga Qaaday