Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Ayana Talaabo Culus u qaaday Dhanka SSC Khaauma iyo Dagaal...

Soomaaliland oo Ayana Talaabo Culus u qaaday Dhanka SSC Khaauma iyo Dagaal laga Cabsi qabo

0

Somaliland ayaa ku dhowaaqday tallaabooyin cusub oo lagu adkaynayo amniga iyo xasilloonida Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, kaddib dagaallo dhawaan dhacay oo barakiciyay ilaa 45,000 oo qof isla markaana sii kordhiyay cabsi laga qabo rabshado hor leh.

Wafdi sare oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ciidamada booliska kaliya loo oggolaan doono inay sugaan amniga magaalada Ceerigaabp, iyagoo amray in dhammaan kooxaha hubaysan ee shacabka ah ay si degdeg ah uga baxaan magaalada.

“Laga billaabo maanta, qofna looma oggolaan doono inuu si sharci-darro ah hub ugu dhex wato magaalada. Qof kasta oo jebiya amarkan wuxuu la kulmi doonaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri afhayeenka wafdiga, isaga oo adkeeyay muhiimada fulinta xeerarkan cusub ee amniga la xiriira.

Wafdiga ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka barakacay inay dib ugu laabtaan guryahooda, iyagoo ku adkeeyay in xaaladda Ceerigaabo ay deggan tahay. “Magaaladu waa ammaan, wax sabab ah oo barakaca loogu sii jiro ma jiraan,” ayuu yiri afhayeenku.

Dagaallada Ceerigaabo ayaa qarxay bartamihii December, waxaana isku dhacay ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo, taasoo keentay barakac baahsan iyo xiisado sii xoogaystay guud ahaan gobolka Sanaag.

Dad badan ayaa u qaxay magaalooyin ay ka mid yihiin Ceel Afweyn iyo Laasqoray, halka qaar kalena ay magan-galeen deegaanno ay ka mid yihiin Boosaaso, Laascaanood, Xudun iyo Burco.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay kaddib shir beeleed dhawaan ka dhacay magaalada Badhan, halkaas oo hoggaamiyeyaasha beelaha Dhulbahante iyo Warsangali ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku doonayaan inay kula Ceerigaabo.

Villa Somalia ayaan ka jawaabin eedeynta Buurmadow uu u jeediyey madaxweynaha.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaraykanka oo Hanjabaad layaableh oo Culus udiray Masar Hadii ay amarka Trump qaadan waayaan
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal oo Culus oo ka Qarxay Baardheere