Home Wararka Caalamka Soomaaligii ugu Horreeyay ee Xildhibaan ka noqda Finland oo lagu Dheggan yahay.

Soomaaligii ugu Horreeyay ee Xildhibaan ka noqda Finland oo lagu Dheggan yahay.

0

Suldaan Saciid Axmed oo ah Soomaaligii ugu horreeyay ee ka mid noqda baarlamaanka dalka Finland ayaa loo heystaa arrin la xiriirta takaasida uu isticmaalo.

Suldaan oo xubin ka ah Xisbiga Isbahaysiga Bidix ayaa ballan-qaaday inuu dib u bixin doono dhammaanba kharashka takaasida uu u isticmaalay wax ka baxsan waajibaadkiisa xildhibaannimo.

Arrintan ayaa timid kaddib markii wargeyska Iltalehti ee ka soo baxa dalka Finland uu isbarbardhig ku sameeyay taksiyada ay isticmaaleen xildhibaannada baarlamaanka laga soo billaabo bilihii September 2021 ilaa Maarsadii sanadkan, wuxuuna ogaaday in kharashka uu isticmaalay Suldaan uu yahay kan ugu badan.

Wargeyska ayaa sidoo kale ogaaday in baarlamaanka Finland uu Suldaan u oggolaaday inuu isticmaalo taksi, sababo la xiriira ammaankiisa.

Wuxuu sheegay in sirdoonka Finland iyo waaxda ammaanka ee baarlamaanka dalkaas ay sameeyeen qiimeyn ku saabsan ammaankiisa isla markaana ay ogaadeen in ammaankiisa uu halis ku jiro, iyagoo kaddibna kula taliyay inuu isticmaalo taksi oo uusan raacin gaadiidka dadweynaha.

“Khatartaas waxay ka imaaneysaa dad kala duwan oo i beegsanaya oo ii soo hanjabaya, maaddaama aan ahay qofkii ugu horreeyay ee madow ah, qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah, dad mar walba ii soo hanjabaya oo baarlamaanka soo dhigaya waraaqo ay leeyihiin waan ku dileynaa,” ayuu yiri Suldaan oo la hadlay BBC-da.

Madaxa baarlamaanka ee maamulka, Pertti Rauhio ayaa xaqiijisay in Suldaan loo oggolaaday inuu qaato taksi beddelkii uu isticmaali lahaa gawaarida dadweynaha, iyadoo intaas ku dartay in oggolaanshahan lagu saleeyay warbixin dhanka ammaanka ah oo laga soo gudbiyay.

Rauhio ayaa intaas ku dartay inay tahay markii ugu horreysay ee sabab amni darteed, xildhibaan lagula taliyo in uusan isticmaalin gawaarida dadweynaha.

Kharashka taksiga ee Suldaan laga soo billaabo bishii September 2021 ilaa March 2022 ayaa lagu qiyaasay 6,500 oo Yuuro ah ($6,857), isagoo galay 212 safar, oo qaar uu qirtay in aysan la xiriirin shaqadiisa

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleDhaar Layaab leh oo La marsiinaayo Qaar Ka Mid ah Xildhibaanada Soomaaliya(xog)
Next articleGuddoomiyaha golaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo codsi u jeediyey Bulshada rayidka