Home Wararka Maanta Somaliya oo safaarad ka furatay Wadanka Azerbaijan

Somaliya oo safaarad ka furatay Wadanka Azerbaijan

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa warqadaha aqoonsi danjirenimo ka guddoomiyaha Safiirka Soomaaliya ee dalkaas Jaamac Cabdullaahi Maxamed si uu uga shaqeeyo xiriirka labada Dowladood.

Bayramov waxa uu sheegay in Danjire Jaamac ay kawada hadleen xaaladaha labada Dowladdood sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo si waafaqsan shuruucda Caalamiga ah labada dal isu kaashadaan.

Jeyhun Bayramov Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan ayaa Danjiraha Dowladda Federaalka u dirsatay dalkaas ka xog-wareystay Xaaladda Soomaaliya, horumarka laga gaaray wadahadalka Doorashooyinka, Amniga iyo arrimo kale.

“Azerbaijan waxa ay xoogga saareysa xoojinta xiriirka Soomaaliya ee saaxiibtinamada ku dhisan, booska ay joogto way nagu taageertaa dabcan sidaas oo kale ayaan u nahay, waxa aan rajeynayaa in Danjiraha cusub uu sii wadi doono howlaha horyaalla” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan.

Azerbaijan waxa ay kamid tahay dalalka gacansaarka la leh Turkiga, dagaal ku saleysan isku qabsi dhul lahaanshiyo ayay la gashay Dalka ay xad-wadaaagga yihiin ee Armenia balse garab iyo gaashaan waxaa u noqday Turkiga oo Soomaaliya cilaaqaad wanaagsan la leh.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleGalmudug oo war ka soo saartay Dil ka dhacay Galmudug
Next articleMaleeshiyaad habaysan oo Matabaan ka gaystay dil ku lug lahaa aana Qabiil