Home Wararka Maanta Somaliya iyo Serbia oo kala Saxiixday Heshiisyo kala duwan

Somaliya iyo Serbia oo kala Saxiixday Heshiisyo kala duwan

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Belgrade, ayaa maanta kala saxiixday dhiggiisa Serbia heshiis iskaashi caafimaad oo muhiim ah

Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa xiriirka iyo iskaashiga caafimaad ee labada dal, waxaana uu Soomaaliya u horseedayaa fursado cusub oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh.

Heshiiskan waxaa lagu saxiixay Belgrade, isagoo muujinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Sidoo kale intii lagu guda jiray munaasabadda saxiixa, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya waxaa la guddoonsiiyay hadiyad sharafeed, taas oo muujinaysa xushmad iyo xiriir saaxiibtinimo oo sii adkeynaya wada shaqeynta labada dal.

Ad