Home Wararka Somaliya Somaliland Somaliland oo si cajiib ah uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan...

Somaliland oo si cajiib ah uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Itoobiya looga baahan yahay in ay soo marto qaabab sharci ah, haddii ay dooneyso in ay hesho dekad Soomaaliya kutaalla.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana u muuqday in uusan diidaneyn in Itoobiya ay hesho dekad kutaalla Soomaaliya, balse uu kasoo horjeedo qaabka ay wax u rabto iyo heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo ka hadlay hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan suurto gal aheyn dalabka Madaxweynaha uu u gudbiyay dowladda Itoobiya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Madaxweyne Xasan Sheekh kaliya heesto dekadda Muqdisho, waxa uuna xusay in dekadaas aysan wax micno ah u sameeneyn Itoobiya ayna aad uga fogtahay masaafo ahaan sida uu tilmaamay.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqday in Itoobiya loo diidaneyn dekad ay isticmaasho haddii ay soo marto nidaam sharci ah, balse loo diidan yahay in si xoog ah ku qaadato dekad iyo biyaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleHowlgal Xoogan Oo Maantay Kasocda Guriceel kadib Dil Xalay loogu Gaytay Liibaan Ganeey
Next articleShir lisug keenay Beelaha Mareexan Iyo dir oonKa Furmay Dhuusamareeb(Sawiro)