Somaliland ayaa eedeymo iyo hadalo adag u jeedisay Isimadda dhaqanka ee Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, ee ku howlan xal u helida dahaalka Laascaanood
Telefashinka Somaliland ayaa baahiyey labo hadal oo laga qabtay, Jiif Caaqil Cumer Cali Canbe oo ah Caaqilka gobalada Galbeedka Hargeysa iyo Siyaasi Axmed Cumar (Axmed Nasiye), kuwaasoo si weyn ugu gafey Isimada dhaqanka ee nabada ka shaqeynaya.
Labada nin ayaa ku ku sifeeyay odayaasha dhaqanka inaysan dhexdhexaad aheyn, aysana imaan karin Somaliland
Waxay sheegeen in odayaasha ka yimid Koonfurta Somalia ay u tageen Laascaanood iney colaada sii huriyaan, aysana wadin wax maslaxad ah oo Somaliland dan u ah.
Canbe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi in uu xoog ku qabsado magaalada Laascaanood ama kasoo baxo, haddii uu awoodi waayo isagoo xusay ineysan jirin wax laga wada hadlo.
Odayaashan ka baxay magaalada Muqdisho oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood ayaa qorsheynaya iney tagaan magaalada hargeysa ee xarunta Somaliland si ay arrimaha nabadeynta Sool ugaa hadlaan dhigooda Somaliland iyo Maamulka Muuse Biixi.