Home Wararka Maanta Somaliland oo Ciidanka Liyuu Boolis ku eedeesay inay Xasuuq ka geesteen Dacawaley

Somaliland oo Ciidanka Liyuu Boolis ku eedeesay inay Xasuuq ka geesteen Dacawaley

0

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Ciidamada Gaarka ah ee Deggaanka Soomaalidda Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Booliis, ay xasuuq u gaysteen dadka deegaanka Dacawaley ee maanta dagaalku ka dhacay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga, ayaa lagu cambaareeyay dagaalka maanta ka dhacay Dacawaley, kaasi oo ay ku nafwaayeen dad shacab ah.

“Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliiska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka dowladnimo” ” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in  Ciidamada Liyuu Booliska ay deggaanka Dacawaley ka afduubeen madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taas oo ay xukuumadu ku tilmaantay gef iyo xadgudub cad.

Xukuumadda Somliland waxay sheegtay in Madaxweynaha Deeggaanka Soomaalidda Mustafe Muxumed Cumar, uu u sheegay in uu aad uga xumaaday falka ay ciidamada Liyuu Booliska ka geesteen deeggaanka Dacawaley.

Waxa kale oo uu qoraalku intaa ku daray in xukuumadda Somaliland ay dhacdadan kala xidhiidhay dowlada Itoobiya, isla markaana ay saraakiil ka socda labada dhinac berri ku kulmi doonaan xadka, si go’aan looga gaadho dhacdadan.

Somaliland waxay sheegtay in Ciidamada Liyuu Booliisku ay qaadidoonaan masuuliyada dhibaatada ka dhacday Dacawaley, oo maanta dad shacab ah lagu laayay kadib markii ay ciidamadu sheegeen in ay la dagaalamayaan maleeshiyo beeleed.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Beenisay inay Itoobiya Badsiinayso
Next articleAxmed Madoobe oo Salka Lagalay Ahlusuna Waljamaaca