Home Wararka Maanta Somaliland oo ciidamadii Weerari lahaa Laasacaanood soo dhoobtay duleedka magaaladaas

Somaliland oo ciidamadii Weerari lahaa Laasacaanood soo dhoobtay duleedka magaaladaas

0

Saraakiil ka tirsan ciidamada militariga iyo booliska Somaliland ee dhawaan ka baxay magaalada Laascanood ayaa duleedka magaaladaas ka billaabay abaabul dagaal ay doonayaan inay dib ugula wareegaan magaalada.

Ciidamada Somaliland ayaa habeenkii Arbacada ka baxay magaalada, waxaana sarkaal u hadlay uu sheegay inay sababta tahay inay u turaan shacaba, si aanay magaaladu uga dhicin dhimasho kale.

Si kastaba, Somaliland ayaa hadda ciidan cusub keentay duleedka magaalada oo ku kordhay kuwii hore, waxayna doonayaan inay xoog ku galaan magaalada Laascaanood oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo degaanka ah oo hubeysan, sida ay ogaatay Mudug24.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in si weyn magaalada looga dareemay abaabulka ay Somaliland waddo, islamarkaana ay u diyaarsan yihiin inay iska difaacaan.

Waxay sidoo kale sheegeen in hadda ay billowdeen in dib loo furo badi goobaha ganacsiga magaalada ee ku xirmay dibadbaxyadii rabashadaha watay ee horay uga dhacay magaalada, balse xaaladdan cusub ay cabsi abuurtay.

Qaar ka amid ah odayaasha dhaqanka magaalada Laascaanood ayaa bulshada ugu baaqay inay taxadar muujiyaan, ayna joojiyaan bannaanbaxyada si xaaladda magaalada ay caadi ugu soo noqoto, waxaana weli xiran waddooyinka qaar ee magaalada, halkaas oo dhagxaan lagu jaray.

Xaaladda Laascaanood ayaa kacsan muddo laba toddobaad ku dhow, kadib markii dil loo gaystay siyaasi dhallinyaro ah uu horseeday inay shacabka kacaan, kadibna ciidanka Somaliland ay awood u sheegtaan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous article“Aubameyang haku dhawaaqo ka fadhiisigiisa kubadda cagta” Jamaahiirta kooxda Chelsea Oo Dhulka Jiid-Jiiday Aubameyang Kaddib Fashilkii Man City
Next articleWararkii ugu Danbeey Dagaalkii Hilowle Gaab iyo Magacyada Saraakiisha Ku Dhintay Dagaalkaas+Sawiro