Home Wararka Maanta Somaliland oo baaq kasoo saartay dhallinyarada ku eedaysan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable...

Somaliland oo baaq kasoo saartay dhallinyarada ku eedaysan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable oo Fiilo Lagu Ceejiyay

0

Somaliland oo baaq kasoo saartay dhallinyarada ku eedaysan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable

Somaliland ayaa hay’addaha xuquuqal insaanka iyo safaaradaha uu fadhigoodu yahay Muqdisho ugu baaqday in ay ka wardoonaan dhallinyarada Muqdisho ugu xidhan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’ ayaa sheegay in jindil xabsiga loogu gaystay dhallinyarada u xidhay dilka Cabdinaasir Dahable.

“Dhallinyaradii Xamar inagaga xidhxidhnayd ee dowlada Xamar ay mu’aamaradaysay ee nin kii dhallinyarada ahaa ee la dilay lagu mu’aamaradeeyay, ee fashilantay, ee la doonayo inta la jidhdilo in danbiga la saaro, hay’addaha xuquuqal insaanku haka jawaabaan” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku dhici la`adahay in ay siidayso ama maxkamad horkeento eedaysanayaasha, isaga oo sheegay in ay fashil ka baqayaan, oo ay jidhdil u gaysteen dhallinyarada.

Wasiirku waxa kale oo uu baaq u diray safaaradaha shisheeye iyo ururada caalamiga ah ee uu fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho in ay ka wardoonaan xaalada dhallinyarada xidhan.

Ad
Previous articleIlaalada xeebaha Giriiga oo tahriibayaal Soomaali ka mid tahay ku tuuray badda
Next articleMaxaa laga ogyahay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin ee ‘dhawaan la beegsaday’?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here