Home Wararka Maanta Somalia iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah

Somalia iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah

0

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi wada-shaqeyn iyo mataaneyn ah warbaahinnada qaranka ee labada dal.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo boostada ee Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan iskaashi.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada wasiir, iyadoo ugu horeyn wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo warbaahinta qaranka labada dowladood.

Warbaahinta labada dowladood ayaa hadda kadib si rasmi ah iskaashi wada shaqeyneed u yeelan doona, ayada oo wasiirka warfaafinta Jabuuti uu soo dhaweeyay tallaabadan, isaggoo sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wada-shaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo wasiirka warfaafinta Soomaaliya uga mahad-celiyey wada shaqeyntiisa.

Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti warbaahinnada qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti u saxiixay agaasimaha guud ee raadiyaha iyo telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Salaad Cali Jeelle iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Rashiid.

Dhinaca kale, wqsiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeeray xarunta raadiyaha iyo telefishinka Jabuuti ee RTD, halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan.

Ad
Previous articleWasiirada Soomaaliya oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah
Next articleMadaxwene Ruto oo kala diray goloha wasiirrada