Home Wararka Caalamka Somali lagu dilay Duqeymo uu Mareyanka ka geestay dalka Yemen

Somali lagu dilay Duqeymo uu Mareyanka ka geestay dalka Yemen

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Duqeyn oo ka dhacay Yemen laguna qaaday Xabsi ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen laguna haayay Tahriibayaal Afrikaan ah oo ay ku jireen Soomaali.

Duqeyntaasi markii ay dhacday dadkii goobta tagay waxaa kamid ahaa Ibrahim Cabdulqaadir Macallin oo kamid ah Soomaalida ku nool dalka Yemen waxaana uu sheegay in khasaare xoogan uu kusoo arkay Xabsigii la duqeeyay.

“Soomaalida tiradooda way yarayd, 3 maalin ka hor ayaa Soomaali badan oo meesha ku jirtay laga soo saaray” ayuu yiri Ibraahim oo sidoo kale u sheegay BBC-da waxa uu ka ogyahay tirada dadka wax ku noqoday xeradaas iyo inta ay Soomaali ka tahay.

“Dadka dhintay waa 90, dadka dhaawaca waa 25, Soomaalida waxaa la leeyahay 3 ilaa 4 qof ayaa ku jirtay laakin ilaa hadda xaqiiqdooda ma hayno” ayuu yiri, maruu u waramay BBC-da.

Ibraahim wuxuu uu sheegay in ay la socdaan xaaladda Soomaalida la soo qabto iyagoo u tahriibaya Sacuudiga.

“Muhaajiriinta aad ayaan ula soconaa, dad badan ayaa soo dhawacma oo marka ay galayaan xuduudda Sacuudiga la soo dilaa, jaaliyada way la socotaa dadkaas” ayuu yiri Ibraahim oo intaas ku daray “Qofka Soomaaliga ee la soo qabto waa la soo gudbiyaa si khasaaraha loo yareeyo”.

Ad
Previous articleCaalamka:- Dowlada Pakistan oo u diyaar garowday Dagaalka India iyo Xiisad taagan