Home Wararka Maanta Siyaasiyiinyta Beesha Habar-gidir oo ay ku jiraan Rag aad ugu Dhow Xasan...

Siyaasiyiinyta Beesha Habar-gidir oo ay ku jiraan Rag aad ugu Dhow Xasan Shiilh oo Cabasho ka Keenay Dowlada u Hogaamiyo Xasan Shiikh

0

Toddobaadkii dhamaaday laba beelood ayaa siyaabo kala duwan ugu shiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo labaduba qaba tabashooyin la xiriira xilalkooda dowladda dhexe.

Mid kamid ah labadan beelood waa mid iyada lagu eedeynayay maalmihii lasoo dhaafay inuu u roonaaday madaxweyne Xasan Sheekh. Xildhibaanada labada Aqal iyo wasiirada beesha hoggaamisa maamulka Galmudug ayaa dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho.

Iyada oo ay beeshaas muddo la kulmeysay eed ah in wax walba oo dowladda dhexe ah inuu Xasan Sheekh iyaga siiyay, ayay dhinaca kale keeneen dood ah in iyaguba dulmisan yihiin.

Waxay miiska soo saareen illaa 7 xil oo iyaga uu madaxweyne Xasan Sheekh ka qaaday oo uu beelo kale siiyay iyo 2 xil oo uu soo kordhiyay.

Doodda tirsiga waxaa laga saaray kuraasta ay hore ugu fadhiyeen ee isla qof iyaga ah lagu soo celiyay, tusaale; Hanti-dhowraha Qaranka oo qof iyaga ah laga qaaday oo isla qof iyaga ah lagu bedelay.

Xubnaha kulanka ka qeyb-galay ee aan la hadalnay waxay sheegeen in dowladda Xasan Sheekh ay ka qaaday; Xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaah dibadda, Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Qaranka, Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir, Madaxii furdada dekedda Muqdisho, Guddoomiyaha degmada Waaberi

iyo Agaasimayaal heer gobolka Banaadir iyo heer dowladda dhexe ah.

Dhinaca kale waxay isku sheegeen inuu Xasan Sheekh usoo kordhiyay hal Wasiiru-dowle iyo Taliyaha NISA oo kaliya. Doodoodda waxaa kasoo baxday in iyaga wax ka maqan yihiin oo ay tahay inay madaxda sare kala fadhiistan.

Waxaa naloo xaqiijiyay inay ballamo ka qabsadeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad, si looga doodo waxyaabaha dowladda uga maqan reerkaas.

Xilalkii ay xilligii Farmaajo haysteen wax ka yar inay hadda haystaan oo xilal badan laga wareejiyay, ayna dhinaca kale haysato eedeyn been abuur ah, haddana ay tahay inay doodoodda furaan ayuu kulankaas kusoo dhamaaday.

Shir kale oo muhiim ah oo Muqdisho ka dhacay, isagana waxaa yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee beesha hoggaamisa maamulka Koonfur Galbeed.

Shir laba maalin qaatay kadib waxay xildhibaanada labada Aqal ee reer Koonfur Galbeed ay sheegeen inay ku qadsan yihiin dowladda dhexe, lana qalday saami-qeybsiga.

Waxay madaxda sare ee dalka ugu baaqeen in deg deg loogu laabto hanaanka loo qaabeeyay xilalka dhexe, kuwa hoose iyo taliyayaasha ciidamada, haddii kale ay tallaabo qaadi doonaan.

Balse madaxweyne Xasan Sheekh oo Kismaayo ka hadlay ayaa duray shirarka beeluhu ku yeesheen Muqdisho iyo Nairobi ee ka dhanka ah sida ay wax u qeybineyso dowladdiisu.

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo Xalay Dad Badan Ku Dilay Muqdisho
Next articleMidowga Yurub oo Dowlada Somalia u ansixiyay malaayiin dollar