Home Wararka Maanta Siyaasiyiinta Dowlada Federaalka ugu jira Beesha Jareerweyne oo Xarigii Sheegoow kasoo...

Siyaasiyiinta Dowlada Federaalka ugu jira Beesha Jareerweyne oo Xarigii Sheegoow kasoo Saaray Go,aan xasaasi ah

0

Xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda Beelaha Jareer Wayne oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadley dhacdadii 19 bishan August 2023 ka dhacdey xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir, ee magaalada Muqdisho, taasoo lagu soo xiray Jen. Sheegow Axmed Cali oo lagu eedeeyey inuu la dagaalamay ciidamo taabacsan DF

Shirkan oo laba maalmood socday ay ka soo qeybgaleen xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xubnaha Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka ee Somalia ayaa si gaar ah waxaa lagu falanqeeyay shaqaaqadihii dhacay ee dhimashada iyo dhaawaca geystay.

Qodobada ka soo baxay shirkan oo ay ka mid yihiin muhimadda sugidda amniga, xoriyadda banaanbaxyada iyo ka dhowrsanaanta burburinta hantida dowladda iyo tan shacabka ayaa waxaa saxaafadda la wadaagey Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy:

1- Waxan si weyn uga xunnahay shaqaaqadihii dhacay, inagoo tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii naftooda halkaasi ku waayey, Ilaahayna uga baryeyna kuwa dhaawacmey inuu caafimaad buuxa siiyo.

3- Waxan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya laamaheeda amniga iyo garsoorka ugu baaqeynaa inay dhamaan saraakiisha iyo muwaadiniinta kale ee gacanta dowladda ku jira si wanaagsan loo daryeelo, caddaaladna ay helaan iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda dalka, cid walba oo wax dembi ah lagu waayana degdeg xoriyaddooda loo siiyo.

4- Waxaan laamaha amniga ugu baaqeynaa inay tixgeliyaan xuquuqda xorriyatul qowlka iyo in shacabka loo oggolaado inay si nabad ah u dhigi karaan banaanbaxyo ama dibadbaxyo nabadeed.

5- Waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay fikirkooda iyo dareenkooda ku muujiyaan si nabad ah, ayna tixgeliyaan nabadda, xasiloonida iyo dhowrista shuruucda dalka iyo in laga dhowrsanaado burburinta hantida dowladda iyo tan gaarka ah.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Ceelbuur iyo Alshabaab oo Wajahaya Xaalada Cakiran?
Next articleWar Deg Deg Ah:Qarax Imiidaamin Ah oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho