Home Wararka Maanta Siyaasi Fahad Yaasiin oo sheegay in ciidanka Qaranka ay ku baaba’ayaan Shirqool...

Siyaasi Fahad Yaasiin oo sheegay in ciidanka Qaranka ay ku baaba’ayaan Shirqool Carbeed

0

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka, saddexdii sano ee u dambaysay, ay u gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay.

Fahad Yaasiin waxa uu tilmaamay in shirqoolkaasi ay fuliye ka noqdeen laba qof oo si toos ah xilal uga soo qabtay xafiisyo awood u siinaya iney hirgaliyaan qorshaha shisheeyaha, waxayna adeegsadeen habab arxan darro ah.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka intii ay jireen, dhibaatada ay u geesteen ciidanka qaranka labadaas qof, waligeed mid lamid ah in aysan soo marin.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin iney helaan sharraxaad qeexaysa nooca shirqool ee loo dhigay Ciidanka Xoogga, Labadaas, mid kamid ah wuxuuba ahaa laba kaarle, oo hal qorshe ayuu ugu adeegayey shisheeye iyo Shabaab oo isku ajande ah, balse kala hadaf ah” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

“Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleesteen iney xilka Wasaaradda u dhiibaan xiligii Madaxweynihii hore, waxayse ku fashilmeen fulinta shirqoolkoodii, Nasiib darro, isla Wasaaraddii ayaa lagu soo celiyey, si uu u fuliyo qorshihii. Midka kalena, xilka ugu sarreeya Xoogga Dalka ayuu qabtay, oo Madaxweynaha jooga ayaa u dhiibay” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA
Next articleMaamulka Somaliland oo Dowlada Mareykanka kala hadashey in la baajiyo Safarka Raisal Wasaare Xamze bare