Home Wararka Maanta Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir oo kasoo Goostay Soomaaliland iyo Wasiiro kusoo Dhaweeyey Muqdisho(Sawiro)

Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir oo kasoo Goostay Soomaaliland iyo Wasiiro kusoo Dhaweeyey Muqdisho(Sawiro)

0

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray laguna soo dhaweeyay nin siyaasi ah oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Somaliland, kaddib markii uu siyaasigaasi uu kasoo tagay shaqadii uu ka hayay maamulkii uu katirsanaa.

Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Somaliland , haddana kamid ahaa lataliyaasha madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa usoo goostay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale ayaa kulan soo dhaweyn ah magaalada Muqdisho ugu sameeyay Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo kasoo tagay magaalada Hargeysa una soo wareegay Muqdisho.

”Sharaf bay Inoo aheyd in aan magaalada Muqdisho ku soo dhowayno Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo xilal kala duwan ka soo qabtey Maamulka Gobolada Waqooyi. Waxaan soo dhowaynaynaa Md. Cabdiwaaxid oo la taliye u ahaa madaxweyne Muuse Biixi isagana soo tagey xilkaas iyo gebi ahaan maamulkaas” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay boggaadineyso siaasiyiinta kasoo laabanay afikirka gooni-goosadka, isla markaana diyaarka u ah in ay Midnimada dalka iyo dadka ka shaqeeyaan.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada iyo Wasiiro markale Soo laabtay
Next articleQaramada Midoobay oo Toos usoo Faragalisay Wax ka Badalka Dastuurka Soomaaliya xili Khilaaf Xoogan Hareeyey