Home Wararka Caalamka Siyaasi caan ah oo xabsiga la dhigay ka dib dibadbaxyo ka dhacay...

Siyaasi caan ah oo xabsiga la dhigay ka dib dibadbaxyo ka dhacay Uganda

0

Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Dr Kizza Besigye ayaa la xiray maanta oo Talaadado ah isagoo isku dayay inuu hoggaamiyo dibadbax ka dhacay caasimadda Kampala, kaas oo looga soo horjeedo qiimaha maciishada.

66 jirkaan ayaa afar jeer madaxtinimada kula tartamay Yoweri Museveni.

Wuxuu ahaan jiray dhakhtarka gaarka ah ee Mr Museveni, marar badan ayaana xabsiga la dhigay.

Dr Besigye ayaa yimid mudaharaadkii Talaadadii isagoo wata gaadhigiisa, wuxuuna sababay in ganacsigii aagga deegaanka uu istaago, sida uu sheegay wargeysa Daily Monitor.

Booliska Uganda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay gacanta ku hayaan Dr Besigye oo loo haysto eedo la xiriira hurinta rabshadaha.

Balse wali kama uusan hadlin warkan booliiska.

 

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAabe Magaalada Galkacyo Ku Gowracay Laba Wiil oo uu Dhalay oo Gacanta Lagu Soo Dhigay
Next articleMadaxweyne Putin oo Ka Badbaaday Isku Day Dil oo lagu Khaarijin Lahaa