Caawa siyaasadda Soomaaliya ayaa aad u qasan kadib markii uu suuqa soo galay war sheegaya in dowladda ay magacaabi doonto Raysal Wasaare ku xigeen 2aad lana siin doono K/ Galbeed iyadoo loogu abaal gudayo kaalintii ay Xildhibaanada ku lahaayeen ansixinta Dastuurka.
Arrintaas waxaa ka gadooday Xildhibaanada kasoo jeeda SL oo hadda hadda qof kasoo jeeda degaanka uu ku magacaaban yahay Raysal Wasaare ku xigeenka dalka, doodaas ayaana sababtay in uu muddo saacado ah dib u dhaco shirkii Golaha Wasiirada ilaa ay la kulmaan Raysal Wasaaraha dalka, halka ay ballan berri ahna ka qabsadeyn MW Xasan Sheekh.
Xildhibaannada Beesha Direed ee Madaxweynaha aaday ayaa loo sheegay in Madaxweynuhu mashquulsan yahay, isla markaana uu qaabili doono maalinta berri 9:00 subaxnimo.
Shirka Golaha Wasiirada oo Xalay la iclaamiyay ayaa aad loo sugayaa natiijada kasoo bixi karto iyo waxa looga hadlayo iyadoo uu kusoo aaday xili ay taagan tahay doodda Hubkii Sharci darrada ahaa ee lagu boobay Caabudwaaq.
Si guud waxay u muuqataa in ay is fur furtay siyaasadda Soomaaliya oo in muddo ah xasilooneed waxaana sidoo kale dhowaan bilaaban doono doorashooyinka maamulada dalka.