Home Wararka Caalamka Sirdoonka Maraykanka iyo maamulka Trump oo isku khilaafsan baaxada burburka loo gaystay...

Sirdoonka Maraykanka iyo maamulka Trump oo isku khilaafsan baaxada burburka loo gaystay nukliyeerka Iran

0

Kadib weerarkii cusla ee Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, doodaha iyo is khilaafaadka ka dhashay qiimeynta saameynta weerarka ayaa cirka isku shareeray, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo saraakiil sare oo Maraykan ah ay si kala duwan u fasireen waxa dhacay.

Weerarka oo dhacay toddobaadkii hore, ayaa la sheegay in loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee B2 kuwaas oo hoobiyeyaal culus oo ah GBU-57 “bunker buster” ku riday xarunta Fordow, waxa sidoo kale la beegsaday Natanz iyo Isfahan oo ah xarumo muhiim u ah barnaamijka nukliyeerka Iran.

Intaa waxaa sii dheer, maraakiibta dagaalka badda ee Maraykanka ayaa kusoo tuuray ilaa 30 gantaal oo Tomahawk ah badhtilmaameedyo ku yaalla gudaha Iran.

Madaxweyne Trump ayaa si cadho leh uga falceliyay warbixin sirdoon oo la sheegay in la dusiyay, taas oo sheegaysa in weerarku uu kaliya dib u dhigay barnaamijka nukliyeerka Iran mudo kooban. Trump oo fariin ku qoray bartiisa Truth Social ayaa ku adkaystay in goobaha nukliyeerka Iran si buuxda loo burburiyay.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in warbixinta sirdoonka ee la dusiyay ay tahay “isku day lagu wiiqayo sumcadda Madaxweyne Trump iyo geesinimada duuliyayaashii fuliyay hawlgalka milatari oo uu sheegay in  uu ahaa mid si heersare ah loo qorsheeyay.”

Si kastaba ha ahaatee, madaxda ciidamada Mareykanka ayaa muujiyay digtooni. Taliyaha guud ee ciidanka Mareykanka, Jeneral Dan Caine, ayaa sheegay in saddexda xarumood ee la beegsaday ay “dhibaato culus iyo burbur la taaban karo” soo gaadhay, hase yeeshee ay qiimeyn dhammaystiran wali socda.

Dhanka kale, agaasimaha guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA), Rafael Grossi, ayaa shaaciyay in hay’addiisu aysan hadda awoodin inay la socoto kaydka yuuraaniyamta Iran oo ah 400kg, kaasoo si heer sare ah loo ururiyay kaasi oo 60%  yuuraniyam nadiif ah. Kaydkan ayaa aad u walwalgaliyay bulshada Reer Galbeedka iyo xulufadooda, waxaanu ku dhawyahay heerkii loo baahnaa si loo sameeyo hub nukliyeer ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa dhankiisa qiray in dowladda Maraynkanku anay ogayn xadiga saxda ah ee kaydka yuuraaniyamta,“Waxaan dadaal badan galin doonaa toddobaadyada soo socda si aan uga hortagno halista ka iman karta kaydkaasi, ayuu yidhi JD Vance.

Waxaa kaloo la shaaciyay in Waaxda difaacu ay ka warhaysay in hubka culus ee GBU-57 aanu gaadhi karin halka uu yaalo hubka nukliyeerka Iran dheerida qotada goobta awgeed, taasoo ay qotadeedu gaadhayso 145-300 feet oo dhagax adag ah. Saraakiil sare ayaa xitaa xusay in hal hab oo kaliya lagu baabi’in karo gebi ahaanba xaruntaasi, taas oo ah isticmaalka hubka nukliyeerka.

Iyadoo muranka la xidhiidha guusha weerarka uu sii xoogaysanayo, ayaa arrinta ugu weyn ee hadda taagan tahay su’aasha ah: Iran wali ma leedahay awood ay dib ugu dhisto barnaamijkeeda nukliyeer?. Jawaabta rasmiga ahna ahi wali lama hayo.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Puntland oo dalbaday in lala xisaabtamo siyaasiyiintii ku lugta lahaa dagaalkii Garowe ee 20 June 2023