Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Sir Gavin Williamson: Xildhibaanka kooxda Trump kala hadlay aqoonsiga Somaliland iyo waxa...

Sir Gavin Williamson: Xildhibaanka kooxda Trump kala hadlay aqoonsiga Somaliland iyo waxa uu kala kulmay

0

Sir Gavin Williamson, oo ka mid ah Mudaneyaasha Barlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu dal madax bannaan u aqoonsado Jahmuuriyadda iskeeda madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo hore u soo noqday Xoghayaha Difaaca ee UK, kana mid ah xildhibaannada u ololeeya aqoonsiga Somaliland ayaa u sheegay Wargeyska The Independent inuu wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiin ka dhow dhow madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo kala hadlay aqoonsi rasmi ah oo ay hesho Somaliland.

Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu intaas ku daray inuu kalsooni ku qabo in Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay uu ku kalsoonyahay inuu ka dhabayn doono aqoonsiga Somaliland, marka uu xilka la wareego bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2025-ka “Waa in ay oggolaadaan oo nagu raacaan, inkastoo marka uu xafiiska la wareego Madaxweyne Donald Trump ay u badan tahay in ay qaadan doonto wakhti ka badan inta aanu rajaynayo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo la hadlayey Wargeyska Wargeyska The Independent, waxaanu intaasi sii raaciyey, “laakiin waxa aanu yeelannay kulamo wanaagsan dadka siyaasaddiisa hormuudka u ah, waanu isfahannay”.

Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay Williamson in Madaxweynaha Mareykanku yahay in go’aan adag qaadan kara, isaga oo tusaale u soo qaatay muddo xilkeedkiisii hore tallaabooyinka uu qaatay “Mid ka mid ah amarradii ugu dambeeyey ee Trump qaatay muddo xilkeedkiisii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Mareykanka waxa ka mid ahaa in ciidamada Mareykanka ka saaro Soomaaliya, inkasta oo Biden ka hor yimid amarkaas. Ma jiro wax uu Trump ka neceb yahay, sidaas darteed waxaan u adeegsaday taas si aan u riixo dooddan (Aqoonsiga). ”

Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu muddo u ololaynayey in ay Somaliland aqoonsi caalami ah hesho, isaga oo dhaqdhaqaaqiisa taageero ee Somaliland soo bilaabay 2017 ilaa 2019 oo uu ahaa xoghayaha Difaaca ee Ingiriiska, isaga oo booqasho ku tegay Magaalada hargeysa.

Tan iyo wakhtigaas waxa uu barlamaanka Ingiriiska dhawr jeer kaga hadlay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, waxaanu muddo laba jeer ah booqasho ku tegay Hargeysa, isaga oo ah xildhibaan.

Somaliland ayaa 33 sanno ka hor ku dhawaaqday in ay ka madax bannaantahay Soomaaliya inteeda kale, hase yeeshee muddadaas ma jiro dal u aqoonsaday waddan madax bannaan.

Soomaaliya ayaa u aqoonsan Somaliland dhul geyigeeda ka mid ah.

Shacabka Somaliland, ayaa doortay Madaxweyne cusub doorashadii dhacday 13-kii Novermber, iyada oo murrashaxii Xisbiga Mucaaradku ka adkaaday madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi Cabdi, kaasoo isaguna shalay aqbalay natiijada

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa hor yaalla qodob dhawr ah oo uu ballanqaaday muddadii uu ku jiray ololaha doorashooyinka Somaliland.

Qodobbadan ayaa waxa ka mid ah xaaladda Gobolka Sool, gaar ahaan dagaalladii halkaas ka dhacay sannadkii hore oo uu sheegay inuu hab wada-hadal ah ku xallin doono, kana shaqayn doono sidii maxaabiista ku kala xidhan Hargeysa iyo Laascaanood la isu dhaafsan lahaa.

Waxyaabaha kale ee horyaala waxa ka mid ah isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya, oo xiisad siyaasaddeed iyo diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, mowqifka uu ka qaato, taasoo si weyn loo sugayo.

Heshiiska ayaa xumeeyay xiriirka Muqdisho ee Itoobiya, oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Soomaaliya ee la dagaallamaya kooxda al-Shabaab, wuxuuna heshiiskaasi Soomaaliya u dhoweeyay dalalka aysan Itoobiya isku fiicneyn ee Masar iyo Eritrea.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo dhagaha ka fureystay baaqii beesha caalamka soo saartay
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Beri Talaabo Culus Qaadi Doona