Home Wararka Maanta Sidee Maanta looga ciiday Caasimada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Somaliya

Sidee Maanta looga ciiday Caasimada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Somaliya

0

Shacabka Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa saaka si weyn ugu dabaaldegaya maalinta 1-aad ee munaasabada Ciidul adxaa, iyadoo dabaaldeg balaaran oo arintaas ku saabsan laga dareemayo caasimada.

Dadweyne iskugu jira rag, dumar iyo caruur, ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajida iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul adxaa.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia boqolaal shacab ah ku kula tukaday masaajidka Isbaheysiga Islaamka oo ku dhow xarunta madaxtooyada iyo meelo kale.

Salaada ka dib ayaa waxaa wadooyinka magaalada isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira rag, haween iyo caruur intooda badan ku lebisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh kuwaasoo isku booqanaya guryaha iyagoo iskugu hambalyeynaya munasabada ciida, waxaana maanta oo kale si aad ah la isugu soo dhoweeyaa macmacaano kala duwan oo loogu talo galay munaasabada ciida sida Xalwada, buskutka, doolshaha iwm.

Dadka qaar ee awooda u leh ayaa ku mashquulsanaa qalida xoolaha Udxiyada si ay ugu sadaqeystaan dadka masaakiinta ah iyo kuwa deriskooda iyagoo kala qeyb qaadanaya farxada iyo dabaaldega munaasabada Ciidul adxaa, waxaana dadka guud ahaan wejiyadooda ka muuqata farxad fara badan.

Wadooyinka, suuqyada iyo xaafadaha ayaa waxaa sidoo kale saaka lagu arkayaa caruur aad u fara badan oo qaarkood waalidiintooda ay daadihinayaan, kuwaasoo ku lebisan lebis qurxoon, iyadoo inta badan caruurta ay wataan waxyaabaha Toyska loo yaqaano ee caruurtu ku ciyaaraan.

Madaxda dowlada ayaa xalay qalabka warbaahinta Qaranka hambalyo ku aadan munaasabada ciidul adxaa uga diray guud ahaan shacabka Soomaaliyed, iyagoo u rajeeyey iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan dowladnimo nabad iyo barwaaqo.

Gobolada dalka intooda badan ayaa saaka si weyn looga ciidayaa, waxaana ka mid ah degaanada sida weyn looga ciidayo maamulada Somaliland Puntland iyo koonfurta Somalia gobolada ku yaala oo ay ku jiraan degaanada ay maamulaan xoogaga Al-shabaab.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMareykanka oo Wax ka badalay Sharciga Somalida ku nool Wadankaasi ee KMG
Next articleQarax ka dhacay Ciraaq oo 35 Qof ku dhimatay goor dhow