Home Wararka Somaliya Galmudug Sidee Galmudug loogu qabtay ninkii lagu badalay Kaba kutukade

Sidee Galmudug loogu qabtay ninkii lagu badalay Kaba kutukade

0

Magaalada Mareergur ayaa Shalay Lagu qabtay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Kooxda Alshabaab kaas oo Si wayn loo Baadi Goobaayay Sarkaalkaan ayaana Xilal Sarsare Kasoo qabtay Kooxda Alshabaab.

Sarkaalkaan ayaana Dhawaan Lagu Badaly Shiikh Kabakutude oo Kooxda Alshabaab u Qaabilsanaa Gobalka Shabeelada Dhexe Balse Markii Alshabaab laga saaray inta Badan Gobalka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa lagu Sameeyey Xilka qaadis waxaana Lagu Badal Sarkaalkaan shaly lagu qabtay Galmudug.

ninnkaan ayaa lagu magacaaba Idiris Maxmed Shiikh waxaana loo yaqanaa Maanooor sarkaalkaan ayaana Alshabaab dhexdooda kasoo qabtay Xilil kala Duwan Hadan waxa uu ahaa Madaxa Zakawaadka Kooxda Alshabaab u qaabilsan Gobalka Galgaduud.

Sarkaalkaan ayaana Horay usoo noqday Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Dhaxe ee Alshabaab waxaana Markaas lagu badalay  Shiikh Yuusuf kabakutukade Sidookale wuxuu soo noqday waaliga Alshabaab u qaabilsanaa Gobalka Baay.

Ninkaan oo Ka baxsaday Kooxda Alshabaab ayaa Shalay Lagu qabtay Magaalada Mareergur ee Gobalka Galgaduud kaas oo Maantay Lagu soo wareejiyay Ciidamada NISa ee Soomaaliya soona Gaarsiiyay Magaalada Muqdisho Si Baaritaan Dheeri ah loogu Sameeyo.

Alshabaab Badan ayaa La sheegay inay Xiligaan Baxsad ka yihiin Ciidamada Dowlada oo Markaan wada Dagaalkii Ugu Danbeeyey Alshabaab Looga Saraayo Gobalada Shabeelada Dhexe Mudug Iyo Galgaduud oo kakala Tirsan Galmudug Iyo Hirshabeele.

 

Ad
Previous articleSaraakiil ka Socota Ruushka oo gaaray Caasimada Iran ee Tehran” isbaheysi ka socda Dunida
Next articleGaadiid Qaraxyo Sida oo lasoo Galiyay magaalada muqdisho iyo Digniina Culus oo Lasoo diray