Iyada oo goboladii ugu horeeyay ee codkoodu aan dhinacna raacsanayn lagu dhawaaqay in ay u codeeyeen Donald Trump, ayaa wax is badalay firfircoonidii ka jirtay xarunta jaamacadda Howard oo ay ka jirtay xaflad lagu taageerayo Kamala Harris.
Kadib saacado badan oo yididiilo muuqata ay jirtay, ayna taageerayaasha Harris ay sameynayeen qoob ka ciyaar iyo heeso ay qaadayeen fanaaniinta kala ah Usher, Kendrick Lamar iyo Beyonce, ayaa taageerayaashii isugu soo baxay xaflada habeenkii doorashada ee Harris waxay bilaabeen inay muujiyaan dareenkooda.
“Waan ogahay inay jiraan walaac badan oo ku saabsan tirooyinka hadda,” ayuu yiri arday Howard Jordan Newsom wax yar ka dib markii North Carolina loo saadaaliyay Trump.
Laakiin Newsom wuxuu sheegay in taageerayaashiisa ay sameeyeen intii karaankooda ah si ay niyadda u sii adkeeyaan. “Waxa ugu fiican ee aan sameyn karno waa inaan midowno oo aan ilaalinno kalsoonida dhexdeena ah.”