Ciidamada Ugaandha ayaa shaaciyay in nolol lagu helay afar askari oo ka tirsan ciidamada millataraiga Uganda oo ka badbaaday weerarkii Al-Shabaab ee Buulomareer, sida lagu baahiyay warbaahinta Ugaanda. Kooxda ayaa weerartay xero ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen halkaas dhammaadka bishii hore.
Afhayeenka ciidamada difaaca ee Uganda Felix Kulayigye ayaa u sheegay wargeyska Daily Monitor in askartu kala firxadeen oo ka lumeen askartii ay wada shaqaynayeen intii uu socday weerarka Al-Shabaab. Waxay galeen duurka, iyaga oo lix maalmood oo ay Al-shabaab ka dhuumaaleysanayeen cabayay kaadidooda. Saraakiil kale oo ka tirsan howlgalka ATMIS ayaa sidoo kale BBC u xaqiijiyay askarta nolosha lagu helay ee qeybta ka ah howlgalka nabd-ilaalinta.
Waxaa helay askar kale oo Ugaandhiis ah oo howlgal ka sameeynayay aagga Buulo Mareer, iyaga oo tabardaran oo aad daciif u ah. Waxaa ka mid ahaa askarta ka badbaadiyay taliye ku xigeen xerada oo dhaawac, sida lagu baahiyay wargeyska oo soo xiganaya afhayeenka ciidamada difaaca. Taliye kuxigeenka ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray lugta, isaga oo isku qariyay meel aan sidaa uga fogeyn xerada ay al-shabaab weerareen. Labada askari ee kale ayaa iyagana ku dhuumaaleysanayay xerada agteed halkaas oo ay kaadidooda cunto ahaan u isticmaalayeen muddo lix maalmood ah. Askariga afaraadayaa isna isku meel xerada ka yara fog.
Mar sii horreysay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in ugu yaraan 54 meydadka saraakiil ka tirsanaa ciidamada Uganda laga soo saaray xerada milatari ee toddobaad kahor ay weerarka ku soo qaadeen al-Shabaab.
Museveni ayaa sheegay in taliyaha saldhiggaas, Gaashaanle Dhexe Korneel Edward Nyororo, uu ka mid ahaa saraakiishii ku dhintay weerarka.
Laakiin kooxda al-Shabaab oo lagu yaqaan inay kordhiyaan oo ay wax ku daraan tirada waxyeelada ay ku geystaan weeraradooda waxay sheegatay inay dishay tiro ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta, islamarkaasna gubtay gawaari dagaal. Ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijin jira sheekada kooxda.
Toddobaadkii la soo dhaafayna, madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiishiisa aysan waajibaadkooda u gudan sidii laga filayay isla markaana qalqal ku yimid uu al-Shabaab u suurtogeliyay inay la wareegaan xerada ayna burburiyaan qaar ka mid ah qalabka ciidamada Uganda.
Weerarkan dhacay 26-kii May ayaa waxa uu dood ka dhaliyay gudaha dalka Uganda. Waxaa si adag uga hadlay ninka mucaaradka ah ee u babac dhigay Museveni, wuxuu sheegay in ciidamada UPDF ay muddo badan joogeen Soomaaliya ayna tahay in laga soo saaro si looga hortago in ciidamo kale lagu laayo goobaha dagaalka ee gudaha Soomaaliya.
Sanad kahor, waxay Al-Shabaab xilli aroor ah weerartay saldhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxay sheegteen inay cagta mariyeen saldhigaas, islamarkaasna ay dileen tiro askar ah oo kor u dhaafeysa 100. Howlgalka Midowga Afrika wuu beeniyay sheegashada kooxda.
Horey waxay sidoo kale u weerareen saldhiga Ceelcadde iyo saldhigyo kale oo dhowr ah oo fadhiisin u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda Uganda, Burundi, Djibouti, Itoobiya iyo Kenya.