Home Wararka Maanta Sida Jannadii Kibbutz ay Xamaas cadaab ugu beddeleen

Sida Jannadii Kibbutz ay Xamaas cadaab ugu beddeleen

0

Sariirta carruurta oo burburtay ayaa dibadda taalla. Meydad ayaa jidadka daadsan. JAwaanno ay meydad ku jiraan ayaa dhex yaalla garoon kubadda kolayga lagu cayaaro. Urka meydka ayaa meel kasta ka imaanaya.

Maalmo ka hor halkan waxay ahayd meel deggan. Waxay ku taalla Kibbuts oo ka tirsan Kfar Aza oo ah meel ay deggan yihiin beeraley Israa’iiliyiin ah. Ilaa 750 qof ayaa ku nool, badankoodna waa qoysascarruur yaryar haysta. Iminka waxay noqotay meel ay meydad daadsan yihiin, ka dib markii dabley Xamaas k atirsan ay k aso jabsadeen dhinaca Qasa Sabtidii.

“Hooyooyin, aabeyaal, carruur iyo qoysas dhallinyaro ah ayaa lagu dilay sariirahooda, qolalka cunnada, iyo jardiinooyinka” ayuu yiri Jeneral Iati Veruv oo ah sarkaal sare oo Israa’iili ah.

“Dagaal ma aha. Furin ma aha. Waa xasuuq” ayuu Veruv yiri. Dadka dhintay ayaa qoorta laga jaray sida uu sheegay “weli ma arkin sidaan oo kale, 40 sano ayaan askari ahaa”.

Kfar Aza wazay 3 KM u jirtaa Qasa, waxayna ka mid tahay xaafadaha ay dhibaatada ugu weyn ka soo gaartay weerarkii ay Xamaas ku qaadeen koofurta Israa’iil.kaasoo saraakiisha Israa’iil ay sheegeenin lagu dilay ugu yaraan 1000 qof, oo intooda badan ah dad rayid ah oo lagu toogtay guryahooda, jidadka ama xaflad.

Weerar aargoosi ah oo ay Israa’iil qaadday waxaa ku dhintay ugu yaraan 830 reer Qasa ah, degmooyin dhan ayaana dhulka lala simay sida ay saraakiishu sheegeen.

Avidor Schwartzman oo ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkaas ayaa sheegay in isaga, xaaskiisa iyo gabar uu dhalay oo sannad jirta ay ku dhuunteen qol gaar ah oo loogu tala galay in lagu badbaado oo gurigooda ku dhex yaalla, halkaasoo ay ku jireen 20 saacadood ka hor intii aanay ka soo saarin, oo uusan arkin wax uu ku tilmaamay “Cadaabtii oo aan la baxin”.

“Meel waxaa yaalla meydad” ayuu yiri ninkaas 38 jirka ah. “Waxaan aragnay jannadeennii yarayd oo gabi ahaanba gubatay – gubatay, dhiibna meel walba daadsan yahay”.

Talaadadii ayaa milateriga Israa’iil waxay halkaas geeyeen saxafiyiin shisheeye, waxaana halkaas ay ku soo arkeen guryo gubtay, meydadka dadkii deegaanka iyo kuwa mintidiinta, gawaari la gubay, iyo burburka agabka guryaha.

Ma jirto tiro rasmi ah oo laga soo saaray dhimashada Kfar Aza Kibbutz, askarta Israa’iil ayaana weli baaraya guryahaay uga shakisan yihiin in dabinno qaraxyo ah looga tegey.

Afhayeenka milateriga ee goobtaas waxay sheegtay in ugu yaraan tobanaan qof lagu dilay weerarka. Waxay sheegtay in weli aysan isku soo uruurin sidii xaaladuhuay iskugu xigxigeen, ayadoo dagaalku uu gabi ahaanba istaagay galinkii dambe ee Isniinta.

Mowjado ay soo qaadayeen raggii soo weerar tegey oo ku hubaysnaa qoryaha Kalashikov-ka, baasuukeyaal iyo garnayllo ayaa tuuladaas yar soo weeraraysida uu Reuters u sheegay askari ka mid ah kuwa kaydka,kaasoo ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Qaar ka mid meydadka mintidiinta ayaa waddooyinka lagu arkayey, kuwaasoo xirnaa funaanado madow, suwaallo kaaki ahiyo garamada askarta. Midkood waxaa weli gacanta ugu jiray bastoolad

Schwartzman Wuxuu sheegay in 6:30 subaxnimo ay ku soo kaceen jug iyo qaraxyo, ka dibna ay galeen qol guriga ka mid ah oo loogu tala galay in lagu badbaado.

Saacad ka dib waxaa loo soo diray dadka xaafadda farrin-qoraaleedyo looga digayoin aysan dibadda u soo bixin.

Halka ay saxaafaddu joogtay waxaa laga maqlayey dhawaaqa dayaaradaha iyo qiiq laga ar kayey dhinaca Qasa, ayadoo askartuna ay waddooyinka sugayeen, halkaasoo ay ku yaalleen geedaha timirta ee qurxoon, geedo muus iyo guryo hal dabaq ah oo Verandooyin leh.

Mid ka mid ah askarta ayaa saxafiyiinta ku yiri “u sheega dunida waxa aad aragteen”.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleAlshabaab oo Qorshaynaysa Weerar ay ugu aargudayso Falastiin
Next articleIskuulka ku yaalla Garowe ee ardeydiisa ka caawiya inay is guursadaan