Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirweynaha qaran ee maalgashiga Cuntada iyo Beeraha dalka.
Shirkaan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hor taagan kobcinta wax soo saarka gudaha dalka, maadama dalka loo soo dhoofiyo waxyaabo badan oo laga maarmi karo hadii si weyn loo maalgashado Beeraha.
Raysal wasaare Xamse ayaa shirka ka sheegay in Xukuumaddiisa ka go’an tahay dhiiragalinta iyo kor u qaadista kobcinta wax soo saarka gudaha oo uu tilmaamay iney muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhanka Cuntada.
Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iney ka shaqeyaan sidii ay u maalgashan lahayeen Beeraha, si looga maarmo waxyaabaha dalka looga soo dhoofiyo dibadda.
Shirkaan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay caqabadaha hor taagan kor u qaadista wax soo saarka dalka oo la sheegay iney ka mid yihiin qalab la’aanta, khibrad xumada, iyo maalgashi la’aanta ka jirta qeybaha muhiimka ah ee beeraha.
Ugu dambeyntii Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale shirkaan warbixino uga dhageystay qaar ka mid ah dhalinyarada hal abuurkooda la xiriira wax soo saarka, isagoo si gaar ah u bogaadiyay doorkooda iyo dadaalkooda ku aadan horumarinta wax soo saarka dalka.