Shirka lagu waday in lagu qabto magaalada Laascaanood si loo dhameystiro dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, oo ay taageerayso dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa markale dib u dhacay maantoo Sabti ah.
Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle oo saxaafadda kudlay magaalada Laascaanood, ayaa ku eedeeyay dad uu ku tilmaamay “huwan” inay wadaan qorsheyaal lagu carqaladeynayo qabsoomidda shirka.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in maamulka SSC-Khaatumo ay ka go’an tahay in shirka la qabto, loona midoobo sidii loo dhameystiri lahaa maamulka, iyadoo la mideynayo labada gobol ee Sool iyo Sanaag.
“Nimanka siyaasiyiinta ah hadaladooda waxaa ka muuqda aragtiyo meel kale laga soo xambaaray. Qolada mucaaradka waxaad mooddaa inay si ‘huwan’ u yihiin,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Warar la helayo ayaa tilmaamaya in khilaafaad ka dhex aloosan hoggaanka SSC iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay qayb weyn ka yihiin dib-u-dhaca shirka markii labaad, taas oo laga cabsi qabo inay sii xoojiso kala qaybsanaanta siyaasadeed ee hareysay dhameystirka maamulka SSC.
Dhanka kale, isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa iyaguna isku khilaafay shirweynaha lagu dhameystirayo maamulka. Isimmada ayaa u kala jabay laba garab: kuwa taageersan hoggaanka maamulka SSC iyo kuwo taabacsan siyaasiyiinta iyo musharrixiinta mucaaradka.
Xalay, Garaad Jaamac Garaad Cali — oo ah garaadka guud ee deegaannada SSC — ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Laascaanood ku sheegay in aan la aqbali karin talooyin iyo qorsheyaal meel kale laga keenay.
Wuxuu xusay in shacabka SSC ay 15-kii sano ee la soo dhaafay ku jireen xukun dibadda laga soo abaabulay, taasina aysan mar dambe suurtagal noqon karin.