Home Wararka Maanta Shirkii ay ku baaqeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo baaqday

Shirkii ay ku baaqeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo baaqday

0

Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland ayaa maalin ka hor waxaa ay kuĀ  baaqeen in la qabto shir deg deg ah 30-ka Bisha Janayo oo Maanta ku beegan, kaas oo looga hadlayo xalka gaarista khilaafka doorashooyinka balse shirkaasi uu baaqday.

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa qoraal ay soo saareen ku shaacin halka lagu qabanayo shirka iyo cidda martigelineyso, halka Madaxda Dowladda aysan ka jawaabin ka qeyb-galka shirkaas.

Maanta oo balantu aheyd qabashada shirkaas ayaan muuqan saan saan uu ku qabsoomayo, iyada oo Madaxweynayaasha 5-ta Maamul goboleed mid kasta uu ku sugan yahay degaankaasa.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa qoraal shalay kasoo baxay waxaa ay ku taageereen baaqa Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland qabashada shirka oo haatan caqabad ay hareeysay.

Dhowrkii Bilood ee la so dhaafay ayaa waxa taagan caqabado ku gadaamay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, waxyaabaha ugu daran ee la isku haayana ay tahay Guddiga doorashooyinka oo ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya oo musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweynayaasha Puntland & jubbaland ay sheegeen inay ku jiraan Xubno badan oo ka tirsan NISA, Shaqaalaha dowladda iyo dad taageera Madaxweyne Farmaajo.

Muddo xileedka Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan muddo todobaad ah, waxana weli muuqan qabashada doorasho heshiis lagu yahay, iyada oo Beesha Caalamka ay cadaadis ku saareyso saamileyda siyaasadeed ee dalka in doorashada lagu heshiiyo.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleGalmudug oo aan ka hadlin Xubnaha Matalaada ee Gobolka Banaadir
Next articleCiidanka Galmudug oo Hawlgal Miino baaris ah ka sameeyay Degmada Bacaadweyne