Shirkadda Favori LLC ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho, lagana leeyahay dalka Turkiga ayaa warqadan oo ay udirtay dawladda Soomaaliya, ogaysiisna siisay Safaarada Turkiga, ayay ku sheegtay in aysan aqbaleyn go’aanka shirkadda NAV-PASS oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta, lagu amray in ay qaado lacagta Hawada Soomaaliya.
Nuqulada heshiiska cusub oo ay heshay Warbaahintu ayaa dhigaya qodobo ka dhan ah madax banaanida Soomaaliya.
Favori LLC, waxay sheegtay in heshiiskii loo saxiixay 2013-kii, uu kasoo horjeedo Heshiiska hadda lasiiyey shirkadan Imaaraatka laga leeyahay.
Is-heynta shirkadaha Shisheeye ee Favori LLC & NAV-PASS, ayaa saameyn doonta Soomaaliya oo galaysa heshiisyo iska hor imaanaya.
Ad