Home Wararka Maanta Shirkada Diyaaradaha Kenya Airwaysa oo joojinaysa Dulimaadkii Muqdisho Sabab?

Shirkada Diyaaradaha Kenya Airwaysa oo joojinaysa Dulimaadkii Muqdisho Sabab?

0

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho laga billaabao 14-ka October ee sanadkaan.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayey shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay kadib markii ay la kulantay “caqabado dhanka howl-gallada ah,” oo aysan faah-faahin ka bixin.

“Go’aankan waxaa la qaatay ka dib markii si taxadar leh loo falanqeeyay, loogana fakaray danta ugu wanaagsan ee shirkadda ee jawiga ganacsi ee jira,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Kenya Airways ayaa kamid ah shan diyaarad oo caalami ah oo duulimaadyo ku tega Muqdisho, ayada oo afarta kale ay yihiin; Turkish Airlines, EgyptAir, Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Waxaa ugu dambeysay EgyptAir oo duulimaadyadeeda Muqdisho billowday bishii July, waxayna caasimadda Soomaaliya tagtaa toddobaadkii laba jeer, ayada oo laga yaabo in ay sii kordhiso.

Saraakiisha socdaalka ayaa rumeysan in go’aanka Kenya Airways ay qasbeen duruufo dhanka suuqa ah kadib markii ay tartan adag kala kulantay shirkado diyaaradeed Soomaali ah oo bixiya duulimaadyo raqiis oo Muqdisho iyo Nairobi ah.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah sababaha rakaab badan ay uga fogaadeen Kenya Airways siyaasadahooda duulimaad, sida ku qasbidda dadka haysta baasaboorka Soomaaliya inay iibsadaan tikidhada labada-jiho, taas oo ka duwan dabacsanaanta shirkadaha Soomaalida.

Dabacsanaan la’aantan ayaa ka dhigtay shirkadda Kenya Airways mid aan tartan ku gali karin jidka Muqdisho-Nairobi, iyadoo shirkadaha Soomaalida ay kasbadeen taageerada sii kordhaysa ee rakaabka, taas oo soo dadajisay go’aanka ay maanta soo saartay shirkadda.

Ad
Previous articleIsbahaysiga Soomaaliya Masar iyo Eriteeriya oo Warmurtiyeed laga Soo Saaray
Next articleFaam Guutaale oo Xalay lagu Dhaawacay Muqdisho