Home Wararka Maanta Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Somaliya oo Muqdisho ka furmaya Maanta

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Somaliya oo Muqdisho ka furmaya Maanta

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho, inkastoo inta badan madaxda maamul-goboleedyadu aysan ka soo qeyb galin.

Shirkan oo lagu wado in diiradda lagu saaro arrimaha doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo amniga, waxaa qabanqaabadiisa leh dowladda federaalka ah, iyadoo uu madax ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaan ilaa hadda muuqan, taasoo su’aalo ka dhalisay heerka xiriirka ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Dowladda federaalka ah weli faahfaahin kama bixin sababta ka dambeysa maqnaanshaha Madaxda Maamulada, iyadoo la ogyahay in Deni iyo Axmed Madoobe qaadaceen ka qeybgalka Shirka NCC.

Shirka oo markii hore ahayd inuu furmo 1dii bishan, ayaa la filayaa inuu socdo muddo dhowr maalmood ah, iyadoo natiijooyinka kasoo baxa ay saameyn ku yeelan karaan hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Amniga Caasimada, gaar ahaan Madaxtooyadda ayaa aad loo adkeeyay, maadaama halkaasi uu shirka ka dhacayo, waxaana lagu arkay Ciidamo cusub oo isku socodka xiray.

Ad
Previous articleCaasimada London oo lagu Xiray Saddex Qof oo Iran ah oo Weeraro Qorsheenayay
Next articleCumar oo 16 Sano jir ah oo kamid noqday Dadkii lagu dilay Upsalla