Home Wararka Maanta Shirka Golaha Watashi Qaran oo Ka Dhacaayo Kismaayo iyo Go,aano Xasaasi ah...

Shirka Golaha Watashi Qaran oo Ka Dhacaayo Kismaayo iyo Go,aano Xasaasi ah lafilaayo inay kasoo Baxaan

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Kismaayo, kaddib dalab ka yimid Madaxweynaha Jubbaland.

Shirkan oo lagu waday inuu Muqdisho ka dhaco dhamaadkii bishii hore ayaa dhowr arrimood oo isbiirsaday u baaqday, sida Axmed Madoobe oo shirkan inuu ka soo qeyb galo uga cudur daartay sababo la xiriira xoojinta howlgalada ka socda deegaanada Jubbaland, kaddib guulihii u dambeeyay ee CXD iyo kuwa Jubbaland ka soo hoyeen dagaalka Argagixisada

Sida wararku sheegayaan shirkan ayaa si weyn ugu xiran mustaqbalka dowlad goboleedyada muddo xileedkooda dhamaaday oo doonaya in Madaxweynuhu JFS u fasaxo inay doorasho aadaan iyo jaangoynta masiirka Villa Somalia ee doorashada 2026.

Bishan Agosto ayaa noqon doonta bil go’aamin doonta geeddi socodka doorashooyinka isku sidkan ee Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal, iyadoo Mashruuca Doorashada Qof iyo cod ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay caqabado waa weyn ku horgudban yihiin, sida Mucaaradka oo aad u diidan qorshaha Madaxweynaha.

Ad
Previous articleShacabka Pakistan oo bilaabay Banaanbaxyo lamid ah kii Bangaladhesh ee Dowlada lagu riday
Next articleXiliga ay Iiraan weerarayso Israil oo la shaaciyay