Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shirka hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya iyo hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
Shirkan ka furmay magaalada Nairobi ayaa inta uu socdo waxaa looga doodi doonaa sare u qaadidda dakhliga gudaha, maaraynta Maamulka Maaliyadda Guud (PFM) iyo nidaamka Dowlad Wanaagga.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheega in ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka tan iyo inta laga gaarayo Barta_Kama_Dambeysta ah ee Deyn-Cafinta.
Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal badan ugu jirta sidii looga cafin lahaa lacago badan oo deyn ah, waxa ayna dowladda buuxisay sharuudo badan ay horey ugu xireen bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF.
Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg