Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya..
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shirka lagu casuumay 50 qofood oo ka kala socda 7-da wadan ee ururka.
Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ajendaha shirka uu yahay sidii looga shaqeyn lahaa, loona eegi lahaa in ay Soomaali gaartay ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.
Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.