Home Wararka Maanta Shir Deg Deg oo u soconaya Fahad Yaasiin iyo Taliyaasha Ciidamada

Shir Deg Deg oo u soconaya Fahad Yaasiin iyo Taliyaasha Ciidamada

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay ilo kala duwan ayaa sheegaya in xilligan shir uga socdo Guriga uu Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ka degan yahay Madaxtooyada Taliyeyaal ka tirsan ciidanka, sida Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Booliska Gobolka Banaadir iyo Kusimaha NISA ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiil kale.

Lama oga qorshaha ka dambeeya kulankan, iyadoo weli muuqato in Fahad Yaasiin weli saameyn ku leeyahay dhanka Taliyeyaasha, waxaana uu kulankan uu ku soo aaday, iyadoo maanta dhaceen kulamo dhowr ah oo ku saabsan waan waanta laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasoo dhex maray Guddiyadii howsha dhex dhexaadinta waday ee ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal.

Sidoo kale warar Hoose oo Mudug24  ay heshay Ayaa sheegaya inCiidamadaan ay ka shirayaan Banaanbax uu Maanta fasaxay Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMaxaa ku Soo Kordhay wadahadaladii Farmaajo iyo Rooble ?
Next articleGobalka Banaadir oo diiday Banaanbax oo Fasaxay Wasiirka Amniga Soomaaliya