Home Wararka Maanta Shiinaha oo Xayiraad kusoo Rogay Soomaaliya oo Durbaba Soomaalidu Dareentay

Shiinaha oo Xayiraad kusoo Rogay Soomaaliya oo Durbaba Soomaalidu Dareentay

0

Shiinaha ayaa dhowaan xayiraad kusoo rogay soo-dejinta xoolaha iyo hilibka xoolaha ee ka imanaya Soomaaliya iyo dalal kale, tallaabadaas oo walaac xooggan ka dhalisay Soomaaliya, halkaasoo dhaqaalaha dalku uu aad ugu tiirsan yahay dhoofinta xoolaha.

Xayiraaddan, oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurrada xoolaha, gaar ahaan cudurka qow-qowda, ayaa saamayn ballaaran oo toos ah ku leh ganacsiga Soomaaliya iyo hab-nololeedka bulshada reer guuraaga ah.

Xayiraadda, oo ay ku dhawaaqday Wakaaladda Guud ee Kastamka Shiinaha, ayaa si gaar ah u saamaynaysa dalalka waaweyn ee dhoofiya xoolaha, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Ghana, Masar, iyo Nigeria.

Badeecadaha la warshadeeyay iyo kuwa aan la warshadeyn labadaba, sida idaha, ariga, digaagga, iyo deerada, ayaa dhamaantood qayb ka ah alaabaha ay xayiraaddu khusayso.

Go’aankan ayaa daba socda digniino culus oo kasoo baxay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ku saabsan cudurro xoolo oo ka dillaacay gobollo dhowr ah.

Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa si weyn ugu tiirsan dhoofka xoolaha, kuwaasoo qiyaastii boqolkiiba toddobaatan (70%) ka ah guud ahaan waxyaabaha dalka laga dhoofiyo.

Ilaa iyo hadda, xukuumadda Soomaaliya kama aysan hadlin xayiraaddan, taasoo abuuraysa su’aalo la xiriira sida ay Muqdisho u waajaheyso, ugana falcelineyso xaaladdan cusub.

Cudurka qow-qowda, oo ah xanuun fayras keeno, si aad ahna u faafa, ayaa ah udub-dhexaadka walaacyadan caalamiga ah. Cudurku wuxuu curyaamiyaa wax soo-saarka, wuxuu khatar ku yahay ganacsiga, sidoo kalena, wuxuu khatar weyn ku yahay nolosha reer guuraaga adduunka oo dhan.

Faafitaannadii ugu dambeeyey ee cudurka, oo ka dhacay gobollada sida Caucasus, Ruushka, iyo Bartamaha Aasiya, ayaa sare u sii qaaday wacyiga la xiriira baahida loo qabo tallaabooyin ka-hortag oo degdeg ah.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa iyadu billowday inay dhakhaatiirta xoolaha iyo xirfadlayaasha kale ee arrimaha xoolaha siiso tababarro dhanka internetka ah, kuwaasoo ku saabsan maaraynta iyo xakamaynta cudurrada xoolaha.

Soomaaliya lafteedu waxay horrey ula daalaa dhacday dhibaatooyin la xiriira cudurrada xoolaha. Bishii Agoosto ee sannadkii 2023-kii, waxaa gobollada Mudug iyo Galgaduud laga soo sheegay cudurka loo yaqaanno “Jadeeco Madow,” ama “Ku Habso.”

Cudurkaas, oo la rumeysan yahay inuu kasoo billowday dhanka Itoobiya, ayaa sababay calaamado aad u daran, oo ay ka mid yihiin qandho, duuf sanka ka socda, iyo caajis ama itaal-darro. Xoolaha uu ku dhaco cudurka ayaa caadiyan u dhinta muddo toddobaad gudihiis ah.

Dr. Suleymaan Maxamed Saalax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa ku tilmaamay faafitaanka cudurkaas mid aad u daran, isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in si weyn loo xoojiyo tallaabooyinka looga hortagayo cudurrada xoolaha ee Soomaaliya.

Waxaa intaa dheer, in ka sokow caqabadaha la xiriira cudurrada, qaybta xanaanada xoolaha ee Soomaaliya waxaa ruxay fadeexad weyn.

Warar ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay dhowaan siisay ganacsade shisheeye ah, xuquuq gaar ah oo la xiriirta dhoofinta xoolaha, arrintaas oo caro xooggan ka dhex dhalisay ganacsatada maxalliga ah iyo ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadu waxay dalbadeen in go’aankaas si degdeg ah dib looga noqdo, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah haddii walaacyadooda aan wax laga qaban.

Ad
Previous articleCiro oo Imaaraadka Lagalay Heshiis aysan Soomaaliland Waligeed Galin
Next articleM23 Miyay Qabsatay Magaalada Ugu Qanisan Congo?