Home Wararka Maanta Shiinaha Oo kusoo Biiray Dagaalka Lagula Jiro Alshabaab(Sawiro)

Shiinaha Oo kusoo Biiray Dagaalka Lagula Jiro Alshabaab(Sawiro)

0

Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kulan miro dhal ah kula qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya Somaaliya Mudane Fei Shengchao.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka, horumarinta nabada & amniga gobolka iyo weliba dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ajandayaasha dowladda ee la-dagaalanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada masuul isla meel dhigeen in Soomaaliya iyo Shiinaha ay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada, ayada oo xukuumadda Beijin ay garab taagan tahay howl-galada ka socda dalka.

Shiinaha ayaa taageeradiisa kusoo biiriyay dalal dhowr ah oo Soomaaliya ku garab istaagay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday qeybo badan oo dalka.

Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Guusha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah weerarada diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Soomaaliya, kuwaasi oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Ad
Previous articleCulimada Soomaaliland oo lagu Soo Rogay amaro Culus
Next articleWAR DEG DEG AH: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Baardheere iyo masuuliyiin ku dhaawacamay