Home Wararka Maanta Shiikh Umul oo Sheegay inay Alshabaab Diyaariyeen Qofkii Dili lahaa

Shiikh Umul oo Sheegay inay Alshabaab Diyaariyeen Qofkii Dili lahaa

0

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada Soomaliyeed ayaa markii u horeysay sheegay inay soo gaadhay hanjabaad halis ku ah noloshiisa, ugana timid kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gudaha dalka.

Sheekh Umal ayaa sheegay in uu ka warhayo in dil ugu xukuman yahay Al-Shabaab, ayna diyaariyeen shaqsiyaadkii fulin lahaa weerarkaas oo ay la joogaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxay ku tala-gashan yihiin inay dilaan culimo aan kamid ahay, waxayna naga soo gaartay ilo kala duwan oo xataa xarakada dhexdeeda ayey naga soo gaartay. Waxaa iska fudud in qofkii yiraahda waxaan uu qaldan yahay oo shareecada ma waafaqsana in dhigiisa la baneysto,” ayuu yiri.

“Ilo kala duwan ayay naga soo gaartay waa kuwa kala gedisan oo Soomaaliya joogay, macluumaadka nasoo gaaray xataa way tilmaamayaan in raga loogu tala-galay qorshahaan ay nala joogaan Kenya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedada u weyn ee laga leeyahay hanjaabadaha uga imanaya Al-Shabaab ay tahay baqdin galinta iyo in uusan ka hadlin qaladaadka Diimeed ee ay ku jiraan kooxdaas.

“Naftaan waqti ayey leedahay kasoo hormari meyso oo ka dib dhici mayso. Waxa leenahay sida rajeynayo mashruuca ah in aan baraarujino wixii khalad ah waa sii wadeyna oo joojin meyno.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dhalinyarada ka bar-bar dagaalama xarakada Al-Shabaab inay ka towbad keenaan, waxay ku jiraan oo ay ku kadsooman afkaarta qalafsan ee Shabaab kusoo xero galiso dhalinyarada

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo Shaacisay Qabiilka Ninkii Fuliyay Weerarkii Labaad ee Baladweyne
Next articleGalmudug oo Malafkii Lagu Doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka wareejisay Si loo Dhaariyo