Home Wararka Maanta Shiikh Soomoow “Dhamaanteen waxaa nagu waajib ah in aan galno Jihaadka, waxaa...

Shiikh Soomoow “Dhamaanteen waxaa nagu waajib ah in aan galno Jihaadka, waxaa rabaa in loo duceeyo dhamaan intii ku shahiiday”

0

Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada dagaalka kula jira kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay shuhado yihiin haddii ay ku dhintaan dagaalka.

Sheekh Soomow ayaa waxa uu dagaalka socda ku macneeyay “Jihaad loogu jiro Islaamnimada saxda ah” taasi oo ay kooxaha xagjirka ah suurad xumeeyeen, islamarkaana u adeegsadeen si qaldan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhamaanteen waxaa nagu waajib ah in aan galno Jihaadka, waxaa rabaa in loo duceeyo dhamaan intii ku shahiiday. Geesiyaasha ku dhintay dagaalka waa shahiideen waa dhinteen yaa la dhihin oo loo baroordiiqin,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Kuwa anaga naga dhinta waa Ahlu-Janno, ciidamada qalabka sida waxay ku jiraan Jihaad fii-sabiili-laah. Khawaarij in aan bixino ayaa isku waafaqsanahay.”

Sidoo kale waxa uu adkeeyay in laga toobad keeno maanta oo kale Culimaddii Soomaaliyeed ee la-laayay, taasi oo dowladdii millateriga aheyd ay xasuuqday 23 Janaayo 1975-kii kadib markii ay ka horyimaadeen falal kasoo horjeeda Diinta oo ay ku kacday.

“Haddii aan saxno fikirkaas, waa in laga towbad keenaa maalintii culimaddii Soomaaliyeed la-laayay oo weliba Salaad towba la tukado oo meeshii la tago waa ku waafaqsanahay.”

“Nebiga CSW ayaa horay noogu sheegay in ay imaan doonaan Qoom cibaado badan balse aysan kalxamaha dhaafsiisnayn Alle ka cabsigoodu. Qof walba oo kaalin kulahaa in fikirkaan guracan dalka la keeno waa in uu Alle u laabto Ummadana cafis weydiisano.”

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleJanaraal Biixi oo Shaaciyay Tirada Rasmiga ah ee Alshabaab Shalay looga Dilay Gobalka Mudug
Next articleAabe gabadhiisa u Dilay Sabab yaab leh kuna hor toogtay Hooyadeed