Home Wararka Maanta Shiikh Shariif oo Si adag U Dhaliilay Dowlada Xasan Shiikh

Shiikh Shariif oo Si adag U Dhaliilay Dowlada Xasan Shiikh

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in lakala daadiyay ciidankii Qaranka, Musuq maasuq baahsan uu dalka ka jiro, caburinta ay korartay, doorashadii maamulada la banaday, dalkiina gadaal loo celiyay, waxa uuna rajo xumo ka muujiyay qabashada doorasho qof iyo cod ah.

MW Sheekh Shariif”Dowlad danaheeda qaaska ah ka shaqeyneysa oo aan ka shaqeyneyn wixii loo doortay meelna nama geyn karto”.

MW Sheekh Shariif: “Jaad waa soo geli jiray dalka balse waligay ma arag Madax sare oo ku lug leh arrimaha maandooriyaha, wariyaha la xirayna intaas ayuu sheegay waana sax”.

MW Sheekh Shariif: ” “Waxaa nasoo gaartay in Madaxweynuhu uu ku yiri Madaxda maamulada ee xiligu ka dhamaaday iska jooga waxba doorasho ha gelinina”.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Safar Dhulka ah ku Tagay Magaladaan kadib Markii Alshabaab laga Sifeeyey
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Xeradaan