Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa weerar culus ku qaaday dowladda federaalka.
Ugu horreyn Sheekh Shariif oo madasha ka hadlay ayaa aad u dhaliilay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa, gaar ahaan siyaasadda uu xilligan ku wajahayo arrimaha dibadda.
“Waxa hadda dhacay aad iyo aad ayaa looga fiican yahay, waxaad arkeysaa 10 heshiis oo lala galay 10 dowladood oo iska soo horjeedo heshiisyada qaar waxa ay dhacayaan hal maalin, waxay ka dhacayaan laba caasimadood oo iska soo horjeedo” auu yiri Shariif.
Madaxweynihii hore oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday heshiiskii dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa heshiis aan la fileyn, maadaama ay jirtay xiisad xoogan oo u dhexeysay Muqdisho iyo Addis Ababa, welina aan xal laga gaarin.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Itoobiya in ay rabto bad ay qaadato, horayna arrintaasi ay u shaaciyeen mas’uuliyiinta sar sare ee dalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.
“Habka loo maray heshiiskan waa khaldan tahay culeysna waxa ay ku tahay Soomaalida, nabad-na ma ku imaaneyso” ayuu mar kale yiri.