Home Wararka Maanta Shiikh Cali Wajiis oo Jawaab Cajiib ah Siiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Shiikh Cali Wajiis oo Jawaab Cajiib ah Siiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0

Sheekh Cali Maxamuud Wajiis ayaa jawaab kulul ka bixiyay qoraal weerar ah oo uga yimid Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo ku saabsan dhulka Qabuuraha Iskuul Polizia iyo war uu Sheekha ka sheegay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Yariisow.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri  “Hadda Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu Allaha u naxariiste saaxiibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah.”

Sheekh Cali Wajiis ayaa qoraalkiisa jawaabta ah ku difaacay Marxuum Yariisow, wuxuuna Cabdiraxmaan Cabdshakuur ku eedeeyay inuu saaxiib la yahay dhinacyo ka horjeeda dowlad dhiska Soomaaliya oo aanu magacaabin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKHA

Ma rabo inaan la tirsado Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhowr sababood dartood:

1- Guddoomiye Cabdiraxmaan Yariisow AUN, Annagu ka culuma ahaan waxaan ku amaaneynaa inow culumadii la tashaday qaatayna Taladoodii waana sharaf iyo amaan.

2- Guddoomiye Yariisow AUN annaga asagaa na soo weydiiyay su’aasha laakin dabcan dowlad ayuu xubin ka ahaay ee wax shakhsiya ma uusan sameyneyn.

3- Mr. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame markow badda Soomaaliya saxiixayay wexey ehayd inow culumada la tashado si loogu sheego in aysan banaaneyn laakiin waa ka il duufyay mudanuhu, waxaasa ka dabategay dowladdii ka danbeysay oo madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminaayay oo Maxkamada caalamigaa geysay malafkii.

4- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaan ugu cudurdaareynaa inuu saaxiiba la yahay sida muuqata dhinacyo badan oo mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya iyo heshiiska taariikhigaa ee Soomaaliya iyo Turkiga dhibsanaya.

5- Ugu danbeyn waxaan mudanaha kula talinaayaa inow markaan beddelo siyaasaddii uu ku cireystay ee madhaleeska ehayd oo ah “dowlad kastaba dagaal ula taagnaaw ama u turjimneed: Cadkaanoow walee ama ku cunay ama ku ciideeyay

Mudanaha salaan qaaliya heyga gudoomo.

Ad
Previous articleXuuthiyiinta Yemen ayaa laba gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah ku Dhuftay markabkan  M/V Verbena
Next articleMuqdisho oo Banaankeeda laga Dhisaayo Garoon Diyaaradeed Oo Caalami ah Xili Garoonka Adan Cadde Jaam ka Jiro