Home Wararka Maanta Sheekh shariif Sheekh Axmed oo Hambalyo udiray Madaxweynaha Jabuuti

Sheekh shariif Sheekh Axmed oo Hambalyo udiray Madaxweynaha Jabuuti

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti ee uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariifka ayaa Madaxweyne Geelle Alle uga baryay inuu la garab galo xilka culus ee shacabka Jabuuti u doorteen, isla markaana u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha dalka Jabuuti walaalkeen Ismail Omar Guelleh oo markii shanaad loo doortay inuu sii hogaamiyo dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxaan leeyahay Allaha kula garab galo xilka culus ee shacbiga Jabuuti ay kuu doorteen, waxaana u rajeynayaa guud ahaan Jabuuti horumar iyo barwaaqo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleBanaanbax Roob doon ah oo Cadaado Lagu qabtay (Sawiro)
Next articleDhageyso Gudigii Baarayay Kiiska Dilkii Dhagajuun oo Xeer ilaalinta u gudbiyay Baaritaan dhamaystiran